DAD NAXARIISTII KA DHAMAAATAY.

DAD NAXARIISTII KA DHAMAATAY
Shalay subax markaan soo kacay waxaan la kulmay hooyo Soomaliyeed oo murugaysan
Hooyo Masbal faarax maxamed oo u dhalatay beesha Jareer wayne hooyo Masbal burburkii Soomaalia markuu dhacay waxay kusoo qaxday Garoowe 30 sano kabadan bay dagantahay waxaa ugu dhalatay 8 caruura

Kulanka hooyo Masbal iyo aniga waxaa fududeeyey saxiibkay General Cabdixamiid Maxamed Dirir taliyihii hore ee ciidanka badda Soomaalia oo ay gurigiisa ugu tagtay una sheegatay daruufta haysata maanta ayna ubaahantahay garab iyo caawimaad

Hooyo Masbal waxay ii sheegtay 4 sano in wiil ay dhashay ka xiranyahay xabsiga wayn ee Garoowe
Waxa uu u xiran yahay shil mooto uu waday gashay ayna kudhimatay Gabar magtii gabadhana loo haysto
Gabadhuna ay tahay Majerteen, MS, Ciise Maxamud

Zakariye Faarax Ciin waa 20 jir waxaa la xiray asagoo jira 16 sano
Qoysku waa danyar waxay ka kooban yihiin 8 caruura Hooyo iyo Aabe waa garab rarato xamaali u kalaha
Hooyo Masbal waxay subaxii uj armaadaa inay guryaha soo xaaqdo
Aabbuhuna waxa uu aadaa xamaali dabka waxa lagu shubto baa kasoo baxa shaqadaas oo aan waxba dheerayn.

Markay ii warantay hooyo Masbal waxaan go’aan saday inaan isku raacno Xabsiga si aan u soo aragno xaalka Zakariye una qareemo sidii uu uga bixi lahaa xabsiga.
Nasiib daro iima suuroobin inaan idiin soo bandhigo muuqaalka Zakariye iyo cabashadiisa asagoo afkiisa ku hadlaya si aad oga qayb qadataan dib u helida xoriyadiisa
Sababtuna waa shuruucda xabsiga u yaal.
Waxaa la iisheegay amarka in muuqaal laga duubo inuu bixin karo wasiirka Cadaaladda Puntland
Waxaan lahadlay wasiirka waxaana oga sheekeeyey daruufta Zakariye waxaana usheegay muslim daynta kabixiya inaan u bandhigayo
Wasiirku kama garaabin daruuftii Zakariye
ogow waa wasiirkii cadaalada maxbuuska aan ka hadlayno 4 sano buu xiranyahay 4taas sano dayntii lagulahaa wax ka go’ay majiraan
hadii aan labixin lacagta noloshiisa inta kadhiman meeshuu kujirayaa.
Bal qiyaas hadii xoriyad uu kus haqaysto lasiin lahaa oo la oran lahaa iskasoo bixi xaqa lagu leeyahay intee buu shaqayn lahaa maanta?

Majiro aduunka sharci dhigaya inaad iska xirnaatid dayntii lagugu lahaana ay sidii kuu sugayso
Sharciga aduunka iyo kan Puntlandba waxa uu qabaa xabsigu inuu yahay yahay ciqaab qof aan la xukumina aan lagu hayn karin.
waxaan is iri hadii Zakariye ahaan lahaa qabiilada Puntland daga wasiirku waa u garaabi lahaa.

Waxaan u yeernay dadkii xaqa kulahaa aniga iyo saxiibbkay General Abdixamiid waxaana ka codsanay inay ninkaas miskiinkaa iska siidaayaan xaqa lagu leeyahayna aan anagu keenayno wakhti yar oo 1-bil dhana naloo qabto balse ayana nooma suuroobin oo waxay taagan yihiin meeshuu noogu jirayaa ilaa aan helno xaqeena.

               GABA GABADII

Waxaan qaadanay go’aan ah inaan lacagtaas kubuxino qaaraan, qaaraankaas oo ah mid aan kuqorayno masuuliyiinta dowladda inta aan saaxiibka nahay iyo aniga iyo Abdixamiid oo kaliya.
Berri oo taarikhdu tahay 26 February 2024 hadii Alle idmo inuu Zakariye markale qoraxda , naacowda iyo xoriyada ay is arkaan dibna uu ula midoobo qoyskiisa ay mudo kala irdhoobeen.
Bacdal farxad waan idinla wadaagi doonaa Zakariye oo kasheekaynaya waayihiisi madoobaa ee xabsiga 4 sano.

Scroll to Top