Maxaa lagu haystaa Wasiirad Duulista Hawadda JFS Fardows Cigaal?

Maalmihii ugu dambeeyey waxaa jiray in lagu dhegnaa Wasiirada Wasaarada Gaadiidka iyo Duulista Hawada DFS Xil.Fardowsa Osman Cigaal – Su’aasha ayaa ah Maxaa lagu haystaa Wasiiradda.

Xogta oo dhammeystiran

Baaritaan aanu sameynay ayaa ku oggaanay in Marwada koowaad Madaxweynaha Soomaaliya Qamar Cali Cumar ayaa amartay in duulimadada kabaxaya xamar 9$ loo saaro

Baaritaanka ayaa xaqiijiyey in Shirkada ay leedahay oo la yiraahdo HornLink qidmad loo jaro taas oo qabnaysa Ururinta xogta dadweynaha ku safraya diyaaradaha ka dhoofaya Garoonka Aaden Cadde ee magaalada Muqdishu.

Maxaa sababay

Waxaanu oggaanay in Marwada koowaad Madaxweynaha Soomaaliya Qamar Cali Cumar arrintaan sabab uga dhigtay inay hesho cadaalad, maadama Marwada 2aad ee Madaxweynaha Soomaaliya Shukri Shiino ay qaadato khidmad dhan $8 oo ka soo gasha Shirkadda Sahal ee rakaabka ka qaada garoonka Aadan Cadde ee Muqdishu.

Wasaarada Gaadiidka iyo Duulista Hawada DFS Xil.Fardowsa Osman Cigaal ayadoo fulinaysa amarka Marwada 1aad Qamar ayey shaqada gashay amartayna in Marwo Qamar $9-keeda dollar Bannankaas loo dhigo.

Kacdoonka rakaabka

Markii ay arrimahaas dhaceen waxaa durbadiina kacdoon ka muujiyey shacabkii rakaabka ahaa iyo shirkadihii duulimaadka kacdoonkaasi waxa uu sababay in dhammaan duulimadadii garoonka Aadan Cadde uu xanibmay

Madaxweynaha JFS Xassan Shiikh Maxamuud ayaa markii loo sheegay waxa dhacay, waxa uu amar siiyey Ra‘isul wasaare Xamse Cabdi Barre, isaga oo amar ku siiyey inuu Wasiir Fardowso Cigaal cayriyo dadkana dajiyo.

RW Xamse hadduu meesha yimid Wasiirad Fardowsana waraystay waxay u sheegtay amarkaan in Marwada 1aad Qamar Cali inay bixisay.

Intaa kadib, Wasiirad Fardows ayaa waydiisay su‘aal ah. ‘ Xamsoow ka waran haday ku amri lahayd Marwo Qamar miyaad diidi kartaa Ra’isulwasarahaygiyow?

RW Xamse intaas markay u sheegtay buu naxay oo yiri `Amar baa lagu siiyey inaan ku cayriyo waana arkaa inaadan danbi lahayn bal Xassan baan baryayaa ee isug.;

Madaxweyne Xassan waxa uu taganyahay si aan shacabka indhahooda ujeedino Wasiirad Fardowso waan cayrinaynaa.

Gabadhaas miskiintaa wax danbi ah maleh haday amarka marwada 1aad diidi lahaydna waa la cayrin lahaa!!!!

Hadday fulisayna wixii eeda ayadaa lasaarayaa.

Dadka ka shaqeeya Shirkada Madaxweyne Xassan Shiikh iyo Xaasaskiisu Caddaalad bay rabaan.

Waxaa qoray- Ayub Abdirizak

Scroll to Top